Soomaaliya : Xaalalada magalada Tukaraq iyo waxay ku waabariisatey

Image

GAROWE- Xaalada goobihii dagaalka ku dhexmarey maalintii shaley ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dagan saaka sida warsidaha GO u sheegayaan saraakiil ku sugan goibahaas.

Dagaalkii shaley ka dhacey degaanada ku dhow Tuulada Tukaraq ayaa waxaa ay  sababeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh iyadoo saraakiil u kala hadlay labada maamul sheegteen iney kasoo hoyeen guulo isku dhacyadaan. 

Warar madax banaan ayaa warsidaha GO u sheegey in dhimashada dagaaladaan marka la isku daro ciidamada labada maamul gaareyso 50 halka dhaawacu ku dhow yahay  70 ah askari.

Dagaalkaan ayaa lagu kala qabsadey Tekniko kuwasoo maamulada Somaliland iyo Puntland qaarkood soo dhigeen sawirooda baraha bulshada.

Warsidaha GO ayaa fahansan in dagaalkii shaley ka dhacey agagaarka Tuulada Tukaraq aysan labada ciidan kala qabsan degaano cusub iyadoo xalay qolo walba ku qorax dhacsatey fariisimahoodii hore.

Madaxwynaha maamulka Puntland ayaa safar ugu maqan magalaada Baydhabo isagoo qoraal uu kaga hadlayo dagaalkaan saxaafada siiyey maalintii shaley.

Dhinaca kale Somaliland oo ku jirta dabaaldag ay u sameyneyso maalintii ay ku dhawaaqeen iney ka go’een dalka Soomaaliya intiisa kale ayaa wararka GO helayo sheegayaan in madaxdooda habeenkii xalay kulamo ay kaga hadlayaan xaalada dagaalka Tukaraq ku lahaayeen magalada Hargeysa.

Wakiilka Qaramada Midoobey oo booqasho ku baxshey Puntland iyo Somaliland maalmihii Sabtida iyo Axadii lasoo dhaafey ayaa ku guuldareystey in madaxda maamuladaas ka raarido in dagaalkaas baajiyaan.

Qarmada Midoobey iyo wadamada kale ee tageera dib u soo kabashada dalka Soomaaliya ayaa sida GO ogaadey la filayaa iney soo saaraan qoraal ay kaga digayaan dagaalka u dhexeeya labadaan maamul  maalmaha soo socda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM