Soomaaliya: Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqeyn

Image

MAUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa soo saarey qoraal uu ku xaqiijinayo weerar dhanka cirka ah oo shalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarka oo ka dhacay meel Muqdisho 50KM dhanka Galbeed uga beegan ay ku dileen labo xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Duqeynta lagu burburiyay Gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa, kaasi oo la doonayay in lagu waxayeelleeyo shacabka Muqdisho.

AFRICOM waxay dhinaca kale sheegtay in aysan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaarey shacabka weerarka, oo noqonaya kii ugu horeeyay oo 2018 ay Diyaaradaha Mareyakanka ka fuliyaan Soomaaliya.

Sanadkii tagey ee 2017, Mareykanka ayaa ka geestay Soomaaliya 37 weerar kuwaasi oo mid kamid ah lala eegtay Daacish-ka ku sugan Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM