Soomaaliya: Xukun lagu riday qoys dhaqaale uruuriyay kooxda AS

Image
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa ku dhawaaqay xukunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku riday qoys ku eedeysanaa in ay maalgalinayeen kooxaha Al-Shabaab islamarkaana ay dhaqaalo ugu aruurinayeen akoono ay u sameeyeen.

Xasan Cusmaan Aadan ayaa lagu xukumay 13-sanno oo xarig ah iyo 20 kun oo dollar.

Faadumo Xasan Cusmaan, Aamina Abdullahi Abanuur iyo Xasana Aweys Khaasim ayaa lagu xukumay min laba sanno oo xarig ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa ku dhawaaqay xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM