Soomaliland: Waxaan qabsanay Saax Dheer

Image

Muqdisho, Somalia 28, August [GAROWEONLINE]- Wararka ka imaanaya Soomaliland ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay saakay weerareen tuulada saax-dheer.

Saax Dheer waxa lagu waday in maanta lagu caleemo saaro madaxweynaha cusub ee khaatuomo ee dhawaan la doortay, Dr Cali Khaliif Galayr.

Taliyaha guud ee ciidanka milateriga Somaliland sareeye gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa BBC u sheegay in saakay hawlgal ay sameeyeen ciidamadiisu ay kula wareegeen tuulada Saax-Dheer iyo hareeraheedaba.

Saax Dheer ayaa 70km dhinaca koonfur galbeed ka xigta magaalada Laascaanood .

Wax war ah kama hayno dhinaca kale ee Khaatumo, iyagoo aan weli xaqiijin wararka sheegaya in Somaliland ay qabsatay magaalada.

XIgasho: BBC 

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM