Spectrum Geo oo marin-habaabineysa sharciga bartoolka Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Spectrum Geo oo kamid ah labada shirkadood oo dowladda Soomaaliya siisay qandaraaska sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa 30-kii bishii May warbixin ka qortay sharciga Bartoolka dalka.
Xeerkaasi oo 18-kii May uu meel-mariyey Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa sida uu qabo habraaca xeer-dejinta wadanka waxay tahay in la horgeeyo Aqalka Sare si doorkiisa uga aadan u qaato.
Balse warbixinta shirkadaasi laga leeyahay waddanka Norway ayaa lagu xusay in uu dhowaan qalinka ku jiidi doono madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadda oo uusan soo ansixin Senate-ka.
Senator Abshir Axmed [Abshir Bukhaari], ku xigeenka koowaad ee afhayeenka Aqalka Sarre ayaa talaabadaasi ku tilmaamay "marin-habaabin sharciyeed" isaga oo ku tartarsiiyey shirkadda in ay dib u saxdo qormadaasi.
Intaasi waxaa wehlisa in qormada shirkadda lagu xusay in guud ahaan dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah federaalka ay sharcigaasi ku raacsan yihiin xukuumadda "taasoo waxbo kama jiraan ah".
Maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa waxay si cad u qaadaceen sharcigaasi "maadaam aanan wax talo ah aanan laga waydiin" iyaga oo caalamka ka codsaday in aysan aqoon-sanin.
Talaabooyinkan ayaa imaanaya iyadda oo shirkadda ay ku dhawaaqday in ay soo gabagabeysay jaan-geynta shidaalka kahor inta aanan la bixin shatadiyada soo saarista.
Sidda ku cad mareega rasmiga ah ee shirkadda, wadar ahaan badka goobaha Gaaska laga helay ayaa waxay gaareysaa 20,185 KM.
"Macluumaadkan oo lagu helay heshiis wadashaqeyn oo ay shirkaddu la gashay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka kooban 20,500 oo la helay sanadkii 2014-tii," ayaa lagu yiri qormadda.
Intii lagu guda jira sahanka waxaa la sheegay in ay gunta hoose ee biyaha ay baareyaasha ugu daadageen 30 M illaa iyo 4,000 M, taasoo sahashay in ay helaan naqshadeynta macluumaadkooda.
"Tiknoolajiyadda casriga ah ayaa qeyb ka qaadatay in sidaan loo qaabeeyo sahanka. Waxaana sawirka uu muujinayaa gunta hoose ee xogta," ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta shirkadda.
Ugu dambeyntii, shirkadda ayaa ku dhowaaqday in dhowaan ay bilaaban doonto bixinta shatiyadda soo saarista shidaalka, inkasta oo aysan waqti cayimin isla markaana maamulada qaar ay ka biyo diidan yihiin.
Been-abuurka ay shirkadda ka faafisay Shirka Bartoolka ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadda oo lagu wado in dalalka Turkiga iyo Mareykanka dhowaan lagu qabto shirar ku saabsan Shidaalka Soomaaliya.
GAROWE ONLINE