Dabkii ka kacay suuqa shidaalka Jowhar oo la hakiyay (Sawirro)

Image
Image
Image
Image

October 11, 2014 (GO)- Dadkii galabta ka kacay suuqa Shidaalka magalada Jowhar ayaa ugu danbayntii lagu guulaystay in la hakiyo sidaasi waxaa GO u sheegay goobjooge halkaasi ku sugan

Dabka oo galabta bilowday ayaa qaatay damintiisa in ka badan afar saac iyadoona khasaare lixaad leh uu soo gaarsiiyay shidaal faro badan oo suuqaasi yaalay, balse mamulka Jowhar ayaa sheegay inaysan kala cadayn karin khasaaraha inta uu lee yahay maadama caawa fiidkii dabka la damiyay.

''Dadkii deganaa xaafadda uu suuqan ku yaalay ayaa waxaa lasoo darsay xabsi xoogan, dhanka ay dabayshu u dhacaysay ayaa laga raray dadkii deganaa maadama uu dabku sii xoogaysanayay saacadba saacada ka danbaysay balse markii danbe dadaal xoogan ka dib waa la hakiyay xoogiisii'' qof jooga Jowhar ayaa Garowe Online caawa u sheegay.

Lama yaqaan ilaa iyo hadda sababta uu dankan xoogan u dhashay inkastoo dabayli dhacaysay wali waxaa socda gurmadka lagu bad baadinayo hantida lacagta ah ee goobaha gubtay yaalay.

Maamulka Shabeelada dhexe iyo saraakiisha ammaanku wali kama aysan hadlin, waxana damintiisa xitaa ka qayb galay dad aad u faro badan oo gacmahooda ku shaqaynayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM