Swan oo Xamsa ugu tagey xafiiskiisa kadib markii Shirka kusoo celin waayay Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda sida xasillinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, hirgelinta doorashooyin ay shacabka Soomaaliyeed ku doortaan madaxda dalka, iyo arrimaha bini’aadanimada.

Swan ayaa kasoo laabtay Kismaayo oo dhawaan socdaal ku tagey, halkaasoo uu kula soo kulmay Axmed Madoobe isagoo isku dayay inuu soo qanciyo oo Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran dib ugu soo celiyo, balse ay fashilmeen dadaaladii uu sameeyay, sida ilo xog-ogaal ah u sheegeen Garowe Online.

Shirka oo hadda burburay ayaa ka tarjumaya sida uu dalka usii kala tagayo siyaasad ahaan, isamarkaana ay ku adkaan doonto Xasan Sheekh inuu fuliyo balan-qaadyadiisii doorashadda oo ahaa inuu AS dalka ka xoreeyo iyo qabashadda doorasho qof iyo cod ah.

Axmed Madoobe ayaa ka diiday Xasan Sheekh qorshihiisa mudo kordhinta, iyadoo shirka arrimaha kale ee cabaqadda ku noqday ay kamid ahayd maqnaashaha Puntland, oo horey ugu eedeysay Villa Somalia inay baal-martay xeerarka iyo dastuurka dalka, taasina aan lagu wada-shaqeyn karin saamilayda dalka.

Xasan Sheekh ayaa wajahaya culeysyo badan oo uga imaanaya dhinaca Maamul Goboleedyada maadaama aysan ku qanacsanayn siyaasadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM