Sweden oo ku dhawaaqday waxa ay ka yeeli doonto qoysaska Daacish ee ku xiran Suuriya

Image
In ka badan 43,000 qof oo ka tirsanaa Daacish ayaa hadda ku xiran xerada Al-Hawl.

Stockholm (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu aanu dib u celin doonin qoysaska Kooxda Daacish kuwaas oo ku xiran xeryo ku yaalo waqooyi bari Suuriya.

Wasiir Tobias Billstrom ayaa warqad uu u diray wakaaladda wararka ee France-Press ku yiri, “Dowladdu kama shaqayn doonto sidii loo soo celin lahaa muwaadiniinta Swedish-ka ah ee ku jira xeryaha ama xarumaha lagu hayo ee waqooyi bari Suuriya”.

Waxa uu intaa ku daray, "Sweden wax sharci ah kama saarna in ay qaado tallaabo dadkaas lagu keenayo Sweden, tani waa go’aan u yaalla haweenka, carruurta iyo ragga ee halkaasi ku xiran hadii ay doonayaan inay dib u soo laabtaan."

In ka badan 43,000 qof oo ka tirsanaa Daacish ayaa hadda ku xiran xerada Al-Hawl oo ay maamulaan ciidamada Suuriya.

Maxaabiistan ayaa loo qeybiyay dad u kala dhashay Suuriya, Ciraaqi iyo Ajaanib ka kala yimid 45 wadan oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan qoysaska kooxda Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM