Tahliil oo la amray in lasii daayo iyo in uusan ka bixi karin Muqdisho 2 sano

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah amartay in xorriyadiisa loo celiyo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil [Ina Calool Geelle], "hadii aysan jirin dambi kale".

Sidda ku cad bayaan kasoo baxay maxkamadda, Mr Tahliil ayaa lagu waayey dacwad la xiriirta in uu ka tirsan yahay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Intaasi waxaa wehlisa, maxkamadda ayaa ku amartay Tahliil in uusan ka bixi karin magaaladda caasimada ah ee Muqdisho muddo laba sano ah.

Laamaha amaanka dowladda federaalka ah ayaa la faray in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa Tahliil inta uu ku sugan yahay magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca.

Go'aanka maxkamada ayaa ka dambeeyay markii dacwad oogayaasha uu ku guuldareystay in ay keenaan caddeymo iyo marqaatiyaal dheeraad ah.

Puntland ayaa horey dil toogasho ugu xukuntay Tahliil tirro laba jeer markii ay ku eedeysay Al-Shabaabnimo iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Galkacyo. Balse Racfaan ayuu ka qaatay.

Markii uu xafiiska yimid, madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa cafis kusii daayey Tahliil oo ay si wayn u garanayaan hay'addaha amaanka Puntland.

Balse maxkamada Ciidamada ee fadhigeedu yahay Muqdisho oo bishii hore laashay dhamaan xukunadaasi ayaa dib u furtay kiiskaan oo taagan tan iyo sanadkii 2012-kii.

Laamaha amaanka dowlada Puntland ayaa 2012-kii ka qabtay Tahliil duleedka xarunta gobolka Mudug, isaga oo waatay gaari ay u saaran yihiin Qaraxyo iyo agab kale.

Tahliil ayaa la sheegay in uu ahaa Madaxa Amniyaatka iyo Dhaqaalaha ee kooxda xiriirka la leh Al-Qaaicda u qaabilsanaa gobolka ay ka kala armiyaan Puntland iyo Galmudug.

Dowlada Mareykanka oo xaqiijisay in ay kaalin ku lahayd soo qabashada Tahliil ayaa sheegtay in ay baareyso hadii uu haysto dhalashada dalkaasi maadaama uu dhowr jeer u safray wadankaasi.

Maxkamada milatariga Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay xukuno ku ridaan shaqsiyaadka ka tirsan Al-Shabaab, waana markii ugu horeysay oo ay laasho xukun ay rideen garsoorka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM