Taliska Ciidamada Itoobiya oo sheegay in ay gacanta ku hayaan 60% ee dhulka Soomaaliya

Image
Taliyaha Ciidamada ayaa sheegay in hadii ciidamadiisa ka baxaan dalka ay AS la wareegi doonaan Muqdisho.

Addis Ababa (GO) - Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya General Birhanu Jula ayaa wareysi oo siiyay warbaahinta dalkaasi ku sheegay hadallo ka dhan ah madaxbanaadida dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa wareysiga ku sheegay in Ciidamada Itoobiya ay haataan gacanta ku hayaan in ka badan 60% ee dhulka Soomaaliya isla markaana ilaaliyaan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya lagala wareegi doono magaalada Muqdisho, hadii ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ciidamada Itoobiya waxay ka qeyb galeen dagaallo culus oo ay la galeen kooxda AS, waxaana ammaanka Soomaaliya darteed looga dilay askar badan, dhiig badanna uga daatay”.

Jeneraal Birhanu Jula ayaa hore u hogaamiyay howlgallo ay Ciidamada Itoobiya ka fuliyeen qaar ka mid ah gobollada dalka sida Baay, Bakool, iyo Galgaduud.

GAROWE ONILNE

Related Articles

Wasiir Fiqi oo dhaliilay shirkii Nairobi: "Mustaqbalka Soomaaliya laguma go'aamiyo dibadda"

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo safar uu ku tagayo magaalada Kismaayo.

  • Soomaliya

    03-10-2025

  • 12:39PM

Deni iyo Axmed Madoobe oo Mucaaradka Xasan Sheekh kula shiray Nairobi

In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo mideyn doona Madasha Samatabixinta Qaran iyo dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    02-10-2025

  • 05:27PM