Wasaaradda difaaca iyo Taliska Ciidamada oo ay curyaamiyeen Isbedello joogto ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u magacaabey Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), Taliyihaha Ciidanka Xooga Dalka maanta oo Khamiis ah.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay magacaabista Indha Qardhe, oo xilka soo qabtey xilligii dowladdii hore ee uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Indha-Qarshe ayaa bedelaya Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod, oo lagu dhaliilay inuu hanan waayay taliska ciidamada xoogga dalka oo naafeysay Isbedello iyo eedeymo musuq-maasuq.

Magacaabista ayaa qeyb ka ah isbedel uu Farmaajo maanta ku sameeyay Hay'adaha amniga dalka, isagoo Agaasiimihii Villa Soomaaliya, Fahad Yaasiin u wareejiyay Taliye ku xigeenka NISA.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sameeyay Isbedello badan Talisyada Ciidamada kala duwan ee dalka, sida Militariga, Booliska, Nabad Sugida isagoo xafiiska jooga mudo ka yar labo sano.

Isbedelladii ugu dambeeyay:

12-kii October ee 2017 waxaa is-casilay Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, kadib markii si hoose loo ogaadey in cabasho ka muujiyey u madax banaan la’aan shaqada ah.

Is casilaada wasiirka ayaa timid wax yar uu kaddib markii uu is-casilay taliyahii ciidamada xoogga dalka Jeneral Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, isagoo lagu bedelay Jen. Cabdiweli Jaamac Xusseen Gorod.

Jeneraal Cirfiid ayaa xilkan hayay mudo lix bilood ah isagoo lagu edeeyey inuu diidanaa qorshaha dib loogu dhisayo ciidamada qaranka kuwa soo hanan waayey iney AMISOM kala wareegaan amniga dalka.

November, 2017, waxaa xilka Wasiirka difaaca loo magacaabay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo isna 4 bilood kadib is-casilay, si uu ugu tartamo xilka Afhayeenka Gollaha shacabka.

Bishii April ee sanadkan 2018 ayuu xilka Wasiirka baneeyay Mursal, waxana lagu bedelay bishii May ee lasoo dhaafay Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe] oo kamid ah xubnaha gollaha shacabka ee BFS kasoo aan khibrad balaaran u leheyn shaqadaan sida warar xogogaal ah sheegayaan.

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka [NISA] ayaa loo magacaabay 2 Taliye tan iyo 2017, iyadoo isbedelkii ugu dambeeyay ee xilka looga qaadey Sanbaloolshe uu saameeyay hay’addan Sirdoonka.

Xuseen Cismaan Xuseen [Uurkuus], ayaa bishii February ee sanadkan loo magacaabay Taliyaha NISA, isagoo bedelay Sanbaloolshe oo shaqada laga eryay markii Xukuumadda cambaareyn kala kulantay dhiibistii Qalbi Dhagax sanadkii tagey.

Hay’adaan NISA ayaa aabuucyadii lasoo dhaafey waxaa shaqada laga eryey labo ku xigeen iyadoo dhinaca kale koox ciidamo ah jabsadeen xafiisyada mid kamid ah taliye-yaasha la eryey.

Guud ahaan Isbadalada ka dhacey hay’adaha amniga guud ahaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa la isku bedelay saddex Wasiir, Villa Soomaaliya 3 Agaasime, Ciidamada Xoogga dalka 3 Taliye, Booliska 2 taliye tan iyo markii Farmaajo xilka Madaxweyne loo doortay February 2017.

Isbedalladan waxa dhacayaan xilli Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli wadamada dalka Soomaaliya ka caawina dib u soo kabashada dhinaca amniga dalbanayaan in la hirgaliyo barnaamijyada sahlaya in qorshahaas la higsado.

Sidoo kale, arrimaha ayaa kusoo aadaya iyadoo xiriirka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland uu xumaaday kadib markii degaanada Jubboyinka iyo Gedo loo magacabay Taliye-yaal ciidan iyadoo aan lagala tashan maamulka Axmed Madoobe. 

Iyadoo ay socdaan Isbedellada, haddana Al-Shabaab ayaa wali kusii xoogeysanaysa gobollada dalka, oo dib ula wareegtay degaanno, iyadoo weerarada Muqdisho sare u qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Ibrahim wuxuu intaas ku daray in dad Soomaali ah oo halkaasi ku xidhnaa la wareejiyay maalmo kahor duqeynta.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:17PM