Taliska xoogga dalka Soomaaliya oo ka jawaabay maqaalkii Foreign Policy

Image

MUQDISH - Taliyaha hoggaanka siyaasada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare CabdiXamiid Sheekh Cali Xaydar oo ka jawaabayay maqaal lagu daabacay Majalada Foreign Policy oo looga hadlayay xaaladda ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu gaashaanka ku dhuftay macluumaadka ku jira warbixintaas.

Wuxuu sheegay in sarkaalka ka tirsan ciidamada AMISOM oo ay soo xigatay Jariiradda ay sharciga lasoo tiigsan doonto dowladda Soomaaliyeed, isaga oo ku tilmaamay xogta ku jirta maqaalkaas mid “sumcad dil ku ah sharafta ciidamadda xooga Soomaaliyeed”.

Taliye Xaydar ayaa cod dheer daboolka uga qaaday in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa uu hadda dib u dhis ku socdo, islamarkaana kasoo kabanaya burburkii dalka oo uu qiray inuu saameyn xoogan u geystay ciidamada kal duwan ee uu dalka lahaa.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayuu yiri Taliyaha, “Waxaan si xoogan uga soo horjeednaa macluumaadka warbixintaas. Dowladda Soomaaliyeed waxay sharciga lasoo tiigsan doonto Kornaylka ka tirsan AMISOM ee lagu soo xigtay maqaalkaas."

Dowladda Uganda ayuu ugu baaqay Taliye Xaydar inay raali-gelin iyo jawaab cad ay kasoo bixiso Gaf uu sheegay inuu Kornaylkaas u geystay ciidamadda xooga Soomaaliyeed, maadaama ay qayb ka yihiin howlgalka Nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

“Ciidamada Soomaaliyeed iyaga oo nabad-ilaaliyaal ah ayay dalka Uganda u tageen inay xasiliyaan dalkaas. Waxaana ka dooneynaa in sarkaalka Yugaan-dhayska uu dowladiisa ay raali gelin buuxda ay ka bixiso,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Taliyaha.

Maqaalka lagu daabacay Majaladda Mareykanka laga leeyahay ee Foreign Policy oo xambaarsanaa macluumaadyo kala duwan ayaa wuxuu abuuray hadalheyno badan, taasoo tooshka ku ifisay fashilka wali ka taagan inay Soomaaliya dhisato ciidamo xoog leh. Halkaan ka akhri warsidaha Garowe Online oo daabacay maqaalka Foreign Policy.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM