Taliyaha Booliska Soomaaliya oo amar dul-dhigay saraakiisha amniga Muqdisho

Image
Asad Diyaano ayaa kormeeray xarunta CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Boliiska gobolka Benaadir.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Boliiska gobolka Benaadir, si uu ugu kuur galo adeegyada ay xarumahani u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha oo sii wata kormeerkiisa u kuur galidda habsami u socodka howlaha shaqo ee xarumaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gaaray Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Boliiska gobolka Benaadir, halkaasi oo uu kulan kula qaatay, Taliska Qaybta iyo Saraakiisha ammaanka gobolka Benaadir.

Taliyaha ayaa Saraakiisha ka dhageystay Warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee Caasimadda, howlgallada guuleystay ee looga hor tagay isku dayada qalqal galinta amniga ee Al-Shabaab iyo qorsheyaasha cusub dardarlinta sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isaga oo faray in ay labanlaabaan dadaalkooda, si shacabka Soomaaliyeed u helaan kalsooni amni oo dhammeystiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM