Taliyaha Ciidamada ilaaladda Farmaajo oo la dhaawacay [Faahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari katirsan ciidamada difaacaya Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ahayd dhaawac u geystay Taliyaha ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Farmaajo.

Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Askariga uu rasaas ku furay Taliyaha oo lagu magacaabo Cabdifitaax Dabagaalle kadib markii ay ku murmeen mushaar ka maqan.

Askariga ayaa taliyaha ku eedeeyay in uu lunsaday lacago uu lahaa, iyadoo markii uu muranka sii daba-dheeraaday uu sababay in la dhaawaco Cabdifitaax Dabagaalle, oo loola cararay Isbitaal.

Dhaawaca taliye Dabagaalle ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, waxaana lagu daaweynayaa mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Askariga falkan geystay, oo isna kamid ah ciidamada ilaalladda u ah Farmaajo, ayaa lagu soo waramayaa inuu baxsaday kadib markii uu toogasho ku dhaawacay taliyihiisa.

Illaa hadda saraakiisha sare ee Madaxtooyadda kama aysan hadlin dhaawaca Dabagaalle.

Ciidamada Militeriga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mudo 4 bilood ah la siinin wax mushaar iyo raashiin ah, taasoo keentay in qaarkood ay kasoo baxaan aagagii difaaca gobollada Shabeellooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM