Taliyaha ciidamada Somalia oo tagay Kismayo

Image

26 December, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia Sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa tagay xarunta maamulka Jubbaland ee Kismayo isagoo booqday xerada ay ku jiraan ciidamada isku dhafka ah ee SNA.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland, xubno katirsan golaha wasiiradda iyo saraakiisha maamulkaas ayaa soo dhaweeyay wafdiga taliyaha isagoo kulan ka qaaday madaxwene Axmed Madobe, waxayna kawada hadleen hormarinta ciidanka Somaliyeed iyo sidii loo hirgalin lahaa ciidan leh sumad Qaran.

Socdaalka Kismayo ee taliyaha ciidamada Somalia ayaa lagu sheegay inay tahaya u kuurgalidda ciidamada ku sugan xarunta Jubbada hoose.

Sareeya Gaas Maxamed Aadan ayaa sidoo kale la kulmay saraakiisha ciidamada, isagoona boqool ka tirsan ciidamada isku dhafan ujeediyay khudbad uu uga hadlay gudashada waajibaadka saaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM