Taliyaha ciidamada Somalia oo tagay Kismayo

Image

26 December, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia Sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa tagay xarunta maamulka Jubbaland ee Kismayo isagoo booqday xerada ay ku jiraan ciidamada isku dhafka ah ee SNA.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland, xubno katirsan golaha wasiiradda iyo saraakiisha maamulkaas ayaa soo dhaweeyay wafdiga taliyaha isagoo kulan ka qaaday madaxwene Axmed Madobe, waxayna kawada hadleen hormarinta ciidanka Somaliyeed iyo sidii loo hirgalin lahaa ciidan leh sumad Qaran.

Socdaalka Kismayo ee taliyaha ciidamada Somalia ayaa lagu sheegay inay tahaya u kuurgalidda ciidamada ku sugan xarunta Jubbada hoose.

Sareeya Gaas Maxamed Aadan ayaa sidoo kale la kulmay saraakiisha ciidamada, isagoona boqool ka tirsan ciidamada isku dhafan ujeediyay khudbad uu uga hadlay gudashada waajibaadka saaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM