Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo gaarey Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdiweli Jaamac Warsame [Gorod] ayaa maanta safarka dhulka ah ku tagey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Gorod oo ay wehliyaan saraakiil katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo xubno kale ayaa lagu soo dhaweeyay koonfurta magaalada Gaalkacyo, isagoo halkaasi u tagey inuu u kuurgalo xaaladda ciidamada iyo howlaha isku-dhafka.

Khubarro ajbani ah oo kala shaqeynaya dowladda Federaalka arrimaha isku dhafka ciidanka ayaa la socda Jeneraal Gorod, waxaana wararku ay sheegayaan inuu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Xaaf iyo Gorod arrimo ku saabsan isku-dhafka ciidan ayay kawada hadleen inta uu socda Kulankooda, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen Illo-wareedyo ku sugan Gaalkacyo.

Taliye Gorod ayaa booqasho tan lamid ah ku tagey 12-ka bishan magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland, isagoo xerada 54-aad ee kula kulmay 2,400 oo Askari oo dhawaan Puntland ku biirisay ciidamada xoogga dalka. Halkan ka akhri.

Waa markii ugu horeysay oo Taliyaha ciidamada xogga dalka safar ku tago Puntland tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii October ee lasoo dhaafay kadib markii uu iscasilay Jeneraal Cirfiid.

Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ku heshiiyay inay sameeyaan isku dhafka ciidan iyo in ay kawada qeybqaataan dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM