Somaliland: Taliyahii ciidanka birmadka Ber-bera oo la dilay

Image

16 December, 2015(GO)-Taliyihii ciidanka birmadka degmada Ber-bera xarunta gobolka Saaxil ayaa maanta lagu dilay magaladaasi, waxaana dilay sida wararku sheegayaan mid ka mid ah ciidamada u horjoogaha u ahaa.

Aadan Guuleed Tallabo ayaa goobta ku geeriyooda, ilaa haddana lama caddayn sababta lagu dilay.

Askariga toogashada gaystay ayaa ciidamadu gacanta ku dhigeen, waxaana loo taxaabay xabsiga, waxaana socda baaritaanno ku aadan qaabka wax u jiraan iyo sababta keentay dilka taliyihiin ciidanka birmadka Ber-bera.

Weli kama hadlin dhacdadan laamaha ammaanka iyo xukuumadda Somaliland, wuxuuna falkani qayb kayahay dhacdooyin muddooyinkii dambe ku soo noq noqonayay magaalooyink waaweyn ee maamulkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM