​Taliyaha ciidanka Milleteriga Soomaaliya ee Galgaduud oo la xiray

Image

BALADWEYNE- Waxaa magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, lagu xiray taliyihii ciidanka Mileteriga gobolka Galgaduud, Col. Maxamed Kaariye Carraale (Dhaga-dheere), kadib markii lagu tuhmay arrimo la xiriira dil.

Carraale, ayaa hogaaminayay howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee kasocda qaybaha Bari ee gobolka Galgaduud iyo bartamaha dalka Somalia.

Wararka ku saabsan xarigga taliyaha, ayaa sheegaya in lagusoo xiray qaab shirqool ah, iyadoo looga yeeray magalada Baladweyne islamarkaana lagu wargaliyay in loo furi doono tababar, balse markii uu yimi xabsiga loo tabaaxay.

Arrintan ayaa timi kadib markii uu soo galay raad ah inuu ka dambeeyay dil loo gaystay sarkaal kasoo goostay kooxda Shabaab oo lagu magacaabi jiray Ciise Cali Mire.

Saraakiisha milletirga Soomaaliya, ayaa muddooyinkii dambe ku howllanaa sababta loo dilay ninkan oo isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee gobolkaasi.

Majirto cid katirsan dowladda Soomaaliya oo xariggan ka hadashay, balse guddoomiyaha degmada Ceelbuur, ayaa xaqiijiyay in taliyaha soo galay raad ku saabsan dhacdadaasi.

Ceelbuur waa meesha lagu dilay sarkaal kasoo baxsaday ururka Shabaab.

Waa tallaabadii ugu horraysay oo lagu xiro sarkaal sare oo ku eedaysan inuu ka dambeeyay qur gooyo loo gaystay sarkaal kasoo baxay ururka Shabaab, waxaana arrinta lagu beegay xilli ay socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM