Taliyaha cusub ee AFRICOM oo Muqdisho kula kulmay Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha cusub ee taliska Mareykanka ee qaaraadda Afrika, Stephen Townsend, ayaa shalay oo Arbaco ahayd wuxuu ka degay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu shaaciyey in sarkaalkan Ameerikaan ah uu Muqdisho kula kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka.

Bayaanka oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu xusay in kulanka uu qayb ka ahaa danjiraha Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Warka qoraalka ah oo aanan lagu xusin goobta uu kulanku ka qabsoomay ayaa lagu qeexay in dhinacyadda ay kawada hadleen amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa shaacisay in Townsend uu u balanqaaday mas’uuliyiinta Soomaaliya in uu kala shaqeyn doono sidii loo xasilin ahaa waddanka iyo kordhinta cadaadiska ka dhanka ah argagixisada.

Waa socdaalkii ugu horeeyay oo uu Soomaaliya ku yimaado Townsend, kaasi oo dhowaan loosoo magacaabay jagadan oo uu la wareegay todobaadkii hore.

"Hadii ay argixisadu soo weerarto danaha Mareykanka, waxay heli doonan mudankooda. Balse ma heli doonan fursad iyo marin," ayuu yiri Stephen Townsend, sidda ku xusan qoraalka.

Stephen Townsend ayaa mudadii uu Soomaaliya ku sugnaa wuxuu sidoo kale la kulmay saraakiisha ciidamada Mareykanku tababaro ee loo yaqaano Danab, kuwaasi oo fuliya gulufyada ka dhanka ah garabka Al-Qaacida.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa wuxuu ku booriyey ciidamada Soomaaliya in ay sii wadaan cadaadiska Al-Shabaab oo uu xusay in ay dhabaha u raaxeyso in dagaalameyaashaasi laga xoreeyo degaanada ay maamulan.

Taliska AFRICOM ayaa wuxuu dusha kala socdaa howlgaladda dhanka cirka iyo dhulka oo ciidamada Ameerikaanka ah ay ka fuliyaan wadamada qaaradda Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM