Taliyaha Cusub ee NISA oo xilka la wareegay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha cusub ee Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA], Xuseen Cismaan Xuseen ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah ula wareegay xilka Taliska Hay'addaasi.

Xaflad kooban, oo lagu qabtay Xarunta Nabad Sugida ee Habar-Khadiija ee Muqdisho, islamarkaana ay kasoo qeyb-galeen Xubno katirsan labada golle ee dowladda, oo uu kamid yahay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow "Ducaalle" ayuu xilka kula wareegay.

Taliyaha cusub oo maalin kahor la magacaabay, ayaa xafiiska kala wareegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur [Jaamac], oo si KMG ah u hayay xilka tan iyo markii xilka laga qaaday Sanbaloolshe bishii October, 2017.

Wasiirka Amniga ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub ee Nabad Sugida, Xuseen Cismaan Xuseen inuu si hufan oo daacadnimo ku jirto u guto xilkaasi, isagoona ugu baaqay Saraakiisha kale ee Hay'adda Sirdoonka inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Madaxa cusub ee NISA, oo kasoo jeeda beesha Geledi oo kamid ah "Digil iyo Mirifle" ayaa ahaa ku xigeenka Wasiirka Caafimaadka kahor inta aan la magacaabin, isagoo sidoo kale kamid ahaa Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xilka Taliyaha NISA waxa uu ku weynayaa xubinimada Baarlamaanka iyo jagada Wasiir ku xigeenka.

Waa Taliyihii labaad oo loo magacaabo Hay'add NISA oo dowladda Mareykanka siiso taageero dhaqaale iyo mid tababar tan iyo markii talada dalka ay la wareegay Madaxweyne Farmaajo bishii Febuary, 2017.

Xuseen oo haysta dhalashada Canada, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii ugu dambeeyay dalka, isagoo dhanka kale xiriir dhaw la leh Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan oo la rumaysan yahay inuu soo geliyay Saaxadda Siyaadda dalka. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM