Taliyaha howlgalka AMISOM oo laga soo celiyay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Taliyaha howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta oo Talaado ah waxaa dib looga soo celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sarkaalkan Itoobiyaanka ah, Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa lagu waday in uu kulamo la yeesho dhinacyo kala duwan, oo uu doonayey in uu kala xaajoodo arrimo ku xeeran xaaladaha halkaasi ka jira.

Taliska AMISOM si gaar ah xafiiska qaabilsan warfaafinta iyo midka taliye Tigabu Yilma Wondimhunegn, illaa iyo haatan, wali kama uusan fal-celinta dhacdadan.

Illo wareedyo si dhow ula socday dhacdadan ayaa u dusiyey GO in Wondimhunegn uu saameeyay amarka lagu xiray madaarka caasimadda ku meel gaarka Jubbaland, kaasi oo dhaqan-galay maanta.

Dib u celinta Tigabu Yilma ayaa waxay kusoo beegmaysa iyadda oo Isniintii diyaarad ka timid dhanka waddanka Itoobiya loo diiday in ay cago dhigato garoonka diyaaradaha xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Mas'uuliyiinta Waaxda Duulista Hawada ayaa sababta ku macneeyay in diyaaradda, oo kasoo duushay magaaladda Goddey, aysan iska soo horumarin wax fariin ah, oo ku aadan in ay kusoo jeedo madaarka.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowlad goboleedkan, howlaha garoonka oo loo hakiyay doorashada madaxweynaha oo 22-ka August qabsoomeysa ayaa dib u bilaabanaya 23-ka August, maalinta kadib coddeynta.

Maamulka Kismaayo ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu xiray dhamaan xuduudaha dhulka, cirka iyo badda ee laga soo galo Kismaayo, isla markaana uu heegan sarre la geliyay laamaha nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM