Taliyayaal ciidan oo xilalka laga qaadey xilli amniga Muqdisho faraha ka baxay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya, Jenaraal Baashir Ameeriko ayaa wuxuu xil ka qaadis uu ku sameeyay taliyaasha todobo kamid ah degmooyinka gobolka Benaadir, sida laga soo xigtey illo xog ogaal ah.

Degmooyinka taliyaashooda shaqada laga eryay ayaa kala ah; Waaberi, Kaxda, Wartanabadda, Dharkeynley, Xamar Jajab, Shibis iyo Heliwaa, kuwaasi oo magaalo madaxda dalka ka tirsan.

Warar lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijinaya in xilka qaadista ay ka dambeysay markii lagu soo eedeeyay inay ku fashilmeen xaqiijinta nabad-gelyadda degmooyinka ay maamulaan.

Warsidaha Garowe Online oo soo xiganaya saraakiil codsadey inaanan la baahin magacyadooda ayaa ogaadey in taliyaasha xilalka laga qaadey qaarkood lagu bedalay degmooyin kale oo caasimada ka tirsan.

Saraakiisha la hadashey GO ayaa sheegay in ujeeda ugu wayn ee xilka qaadistaan laga leeyahay ay tahay in amaanka magaalada uu noqdo mid hagaagsan, maadaama dhowaanahaan ay ka dhacayeen falal liddi ku ah.

Degmooyinka taliyayaashooda Booliska xilka qaadista lagu sameeyay ayaa qaarkood waxay kamid yihiin kuwa ugu amniga xun caasimada, waxaana si joogto ah uga dhaca falalka toogashada, qaraxyada iyo kuwa kale.

Wararka ayaa sheegaya in wiilal dhalinyaro ah oo dhawaan kusoo biiray Booliska loo magacaabey xilalka laga qaadey 7-da Taliye ee saldhigyada Booliska degmooyinka gobolka Banaadir.

Booliska ayaa lagu wareejiyay amaanka magaalada, iyadoo kulan lagu dar-dar gelinayo amaanka iyo hagaajinta hanaan cadaalada ay yeesheen Ra'iisul Wasaare Khayre, Taliyaha Booliska, Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo saraakiil ciidan kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM