Taliye sarre oo lagu dilay qarax miino ka dhacay gobolka Baay

Image
Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse waxaa lagu tuhmayaa kooxda Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa degaanka Awdiinle iyo degmadda Bardaale ee gobolka Baay.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad uu ka mid yahay askarta aan la cayimin ee lagu dilay qaraxa.

Sarkaalka geeriyoodey ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Maxamed Nuur Mad-Dheere kaas oo ahaa Taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidamadda Soomaaliya.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkan oo kasoo baxay Taliska Ciidamadda Soomaaliya. Sidoo kale, ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan.

Askarta ayaa la socday kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidamada markii uu qaraxu dhacayay. Weerarkan waxa uu kusoo aadayaa xilli gobolka ay maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd xiisad u dhaxeyso beelo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM