Taliye uu Fahad Yaasiin magacaabay oo laga soo celiyay Jowhar

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar laga soo celiyay diyaarad siday Taliye cusub oo Fahad Yaasiin u magacaabey Sirdoonka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Illo wareedyo ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Taliyaha cusub uu dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib markii laga hor istaagey inuu gudaha u galo magaalada Jowhar, ee xarunta KMG maamulka HirShabeelle.

Fahad Yaasiin, oo ah Taliye ku-xigeenka hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee [NISA], ayaa magacaabey Taliyaha cusub isagoo aan la-tashi kala sameynin madaxda maamulka HirShabeelle.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa labo bilood kahor u magacaabey Maclin Aadan inuu hogaamiyo ciidamada Nabad Sugida gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii uu taageero iyo wada-shaqeyn amni ka waayay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

"Ciidamada waxay hareereyeen guud ahaan garoonka. Xitaa waxay diideen inuu sarkaalka kasoo degto diyaarada, taasi oo ku qasabtay inuu dib ugu soo laabto Muqdisho,” ayuu yiri Sarkal katirsan NISA, oo u waramay GO.

Arrintaan ayaa imaaneysa iyadda oo dowlada Soomaaliya ay ka jaratay Nabad Sugida HirShabeelle sahaydii iyo taageeradii ay siin-jirtay, taasoo hakad xoogan gelisay shaqooyinkoodii.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Nabad Sugida Soomaaliya, dowlada Federaalka iyo Madaxtooyada HirShabeelle.

Balse, wararka ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedka HirShabeelle ay isku raacsan yihiin go’aanka dib loogu soo celiyay taliyaha uu magacaabay Fahad Yaasiin.

Dowlada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay taliyeyaal u magacawdo ciidamada ku sugan gobollada dalka, iyadoo aan wax wada-tashi ah ah la sameynin madaxda maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM