Isbedel lagu sameeyay hogaanka talisyadda Ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaan cusub ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa loo magacaabay talisyadda Ciidamada Qalabka Sidda ee Soomaaliya, sidda ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Isbedelkan ayaa waxaa meel-mariyey Golaha Wasiiradda xukuumadda federaalka, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo xog ogaal ah.

Taliyaha Ciidamada Milatariga ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, wuxuuna bedelayaa Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe].

Odowaa, oo shaqsi dhalinyaro ah, ayaa waxaa dhowaan loo xushay Taliyaha Ciidanka Lugta ee howlgalo kala duwan ka duwan gobolada Shabeelooyinka.

Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa laga dhigay, Fahad Yasiin Xaaji Daahir, kaasi oo si ku meel gaar ah u hayey markii la eryay Sanbaloolshe.

Taliyaha Booliiska ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed, wuxuuna bedelayaa Bashiir Cabdi Maxamed [Bashiir Ameeriko].

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxaa laga dhigay Gen Mahad Cabdirahmaan Aadan, kaasi oo isana xafiiska kala wareegaya Bashiir Maxamed Jaamac [Goobe].

Isku shaadheynta ayaa imaaneysa markii bishii hore weerar ay Al-Shabaab ku qaadey xarunta dowladda Hoose ee Xamar ay ku dishay tobban uu ku jiro gudoomiyihii gobolka ahaana duqa caasimada, Injineer Yariisow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM