Taliyihii Ciidamada ee laga soo celiyay Kismaayo oo ka dagay Garbahaarey

Image

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Taliyaha cusub ee qeybta 43-aad ee Ciidamada xoogga dalka, oo maanta Jubbaland kasoo celisay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa galabta ka dagay magaalada Garbahaarey, ee xarunta gobolka Gedo.

Taliyaha cusub, Cali Maxamed Maxamuud [Bogmadow], ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha, Taliye-yaal Ciidanka xoogga dalka katirsan, oo uu kamid yahay Taliyaha qeybta 10aad, Maxamed Cali Caddow, maamulka degmada iyo bulshada degmada.

Diyaaradii wadey Taliyaha ayaa maanta laga soo celiyay magaalada Kismaayo, kadib markii ay Saraakiisha Jubbaland ku wargeliyeen inuusan kasoo dagi karin magaalada xilli uu jiro khilaaf kala dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee qeybta 43-aad ee Ciidamada xoogga dalka, ayaa la filayaa in maalinta berri ah xilka kula wareeggo munaasabada ka dhaci doonta magaalada Garbahaarey, waxana la filayaa inuu ka qeybgalo Abaanduulaha Ciidamada Jeneraal Caanood.

Jubbaland ayaa u cuskatay go'aanka ay kusoo celiyay diyaaraddii waday Taliyaha in aysan dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda difaaca kala tashan magacaabistiisa markii hore.

Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ayaa waxay isku beel kasoo jeedaan Taliyaha guud ee ciidamada Maamulka Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamed Ibraahim Goojaar.

Jubbaland ayaa kala dhaxeeya dowladda Federaalka khilaaf ku aadan arrimaha Ciidamada ku sugan degaanadeeda, waxaana dhawaan warqad ay kaga cabanayso la-tashi iyo wada-shaqeyn la'aan dhanka Taliska Ciidanka xoogga u dirtay Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM