Taliyihii hore ee NISA oo ku guuleystay Doorasho ka dhacday Dhuusamareeb

Image
DHUUSAMAREEB - Kadib doorasho Boos-buuxin ah Kursi ka tirsan Gollaha Shacabka, oo ka dhacday Magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta rasmiga ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa kusoo baxay Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxmuud.
 
Jenaraal Gaafow oo helay guud ahaan codadka Ergooyinka wax dooraneysa oo gaarayey 51 ayaa waxaa uu ku garaacay ninka la tartamayey ee Xiirey Muxidiin Cumar, kaasoo kahor inta aysan bilaaban cod-bixinta ku dhawaaqay inuu tanaasulay.
 
Gaafow ayaa helay 47 cod, halka musharaxii la tartamay uu ku guuleystay 7 cod, sida gudiga doorashooyinka uu shaaciyay.
 
Kadib tanaasulkiisa, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan ee Soomaaliya, Xaliimo Yarey oo madasha doorashada ka dhacday ka hadashay ayaa sheegtay inay raacayaan nidaamka doorashadda, ayna qabsoomeyso coddeynta.
 
Xiirey Muxidiin Cumar, ayaa wuxuu soo noqday Gudoomiyaha maamulka Degmadda Dayniile ee gobolka Banaadir, halka Jenaraal Gaafow uu soo noqday Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.
 
Kursiga uu kusoo baxay Jenaraal Gaafow waxaa iska casilay walaalkiisa Cabdiqaadir Gaafow, kadib muran iyo khilaaf hareeyay guud ahaan doorashadiisa, taasoo ugu dambeyntii uu laalay Guddiga Khilaafa Xalinta ee Doorashooyinka dalka.
 
Hadal kooban oo uu ka jeediyay Jenaraal Gaafow madasha doorashadda ayuu ugu mahad-celiyey guud ahaan inta dooratay, isaga oo sidoo kale ku amaanay Murashaxii la tartamay go'aanka uu qaatay, kaasoo uu ku sifeeyay inuu mid Geesinimo leh.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM