Tarsan oo Muqdisho kusoo laabtey iyo Villa Somalia oo jawaab laga sugayo

Image

MUQDISHO, Somalia - Safiirka Somaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu soo laabtey magaaladda Muqdisho saaka oo Axad ah, kadib markii xukuumadda Nairobi shalay ka dalbatey inuu dalkiisa ku laabto.

Tarsan inuu dib ugu soo laabto dalka waxay ka dambeysay markii Kenya ay u yeeratay safiirkeedii Muqdisho, iyadoo xiisada diblomaasiyadeed ka dhex dhalatay labada dowladooda, taasi oo salka ku haysa muranka dhanka xuduuda badda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ah ee Somalia dhaawacday xiriirkii kala dhaxeeya, iyadoo ku xad-gudubtay kadib markii ay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku jira xuduud badeedka lagu muransan yahay. [Halkan ka akhri Warka]

Kenya ayaa ka carootey shirkii London ee lagu soo bandhigay xogta shidaalka Somalia, gaar ahaan midka ku xira badda, xillu uu taagan yahay muran badeedka, kaasi oo dacwadiisa taalla Maxkamadda International Court of Justice [ICJ].

Madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa kulan gaar ah ku leh Villa Somalia, iyagoo ka arinsanaya waxa laga yeelayo go'aanka Kenya iyo xiisadda diblomaasiyadeeda ee soo cusboonaatey.

Kenya ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia, waxana dalkeeda uu martigelinayaa boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab, iyadoo Xukuumadda Nairobi iyo ganacsatada dalkaasi macaasha badan ka helaan Khaadka la keeno dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM