Tartanka Orodka Gaaban oo lagu qabtay Muqdisho [Arag Sawirro qurxoon]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta Muqdisho lagu qabtey Tartanka Orodka Gaaban, kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Tartankan oo lagu qabtey wado 3.5-KM, laga soo billaabo Isgoyska Lambar Afar [KM-4] illaa Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ku guuleystay wiil dhalinyaro ah Cabdinuur Maxamed Garaad, iyadoo kaalinta labaad ay gashay Maryama Nuux Muuse.

Wadooyinka Muqdisho oo horey u xirnaa, ayaa maanta amnigooda si aad ah loo adkeeyay, sababtoo ah Tartanka 'Mini-Marathon" oo ah sanadkii labaad oo lagu qabto caasimadda, oo hadda kasoo kabanaysa colaadii sokeeye.

Tartanka ayaa la qabtey saacado kadib markii Qarax Gaari uu ka dhacay afaafka hore ee Iskuulka Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, oo ku yaalla degmada Xamar-Jajab, halkaasi oo ah wado ay isticmaalaan Madaxda sare ee dalka xilliga ay ka duulayaan Garoonka ama kasoo degaan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa oo dhacay xalay fiidkii kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof, halka todobo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qarax ayaa dhacay xili dhawaan Booliska ay soo bandhigeen sawirka gaari uu sheegay in lagu soo xiray walxaha qaraxa oo ku jira Muqdisho, iyadoo shacabka looga digay inuu ka feejignaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM