Thaabit oo aqbalay Xilka qaadistii lagu sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Thaabit Cabdi Maxamed, Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho ayaa caawa qabtey Shir jaraa'ida oo uu uga hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay maanta.

Thaabit ayaa shaaciyay inuu si rasmi ah u aqbalay Xilka qaadistii uu Madaxweyne Farmaajo ku sameeyay, isagoo dhanka kale ku baaqay in xayiraadda laga qaado Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Shirka Jaraa'id ee uu caawa qabtey Muqdisho ayuu Thaabit ugu dhawaaqay inuu soo dhaweynayo go'aanka Madaxweynaha ee xilka looga qaaday, waxaana uu ugu hambalyeeyay Eng Yariisow, Gudoomiyaha magacaaban ee isaga lagu bedalay.

Dhanka kale, Thaabit ayaa ku baaqay in dib loo furo dhaq-dhaqaaqa dadweynaha qeybo kamid Muqdisho, lana soo afjaro xiisadda siysaadeed ee ka dhalatay xilka qaadistiisa, oo ka dambaysay khilaaf isaga iyo Villa Soomaaliya soo kala dhexgalay.

Thaabit ayaa xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabay bishii April ee 2017, isagoo bedelay Yuusuf Madaale kadib markii uu qeyb ka qaatey Ololihii Madaxweyne Farmaajo bishii Febuary 8, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM