Thailand oo u gaarsaneysa ganacsade Somaali ah una hanjabtay

Image

BANGKOK, Thailand – Kooxdii labaad oo shaqaale doon-kalluumeysi kuwaasoo la sheegay in lagu haystay biyaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Puntland meel ku dhow Booosaaso ayaa ku laabtay dalkooda Thailand.

Kalluumeysatadan oo tiradoodu ay gaareysay 14-ka qeybna ka ahaa 48 Taylaaniis ah oo la kala shaqeynayey doomo lagu sheegay Wadani 1 iyo Wadani 2 ayaa kasoo kala kicitamay Iiraan iyo Imaaraadka.

Wasiirka Shaqaalaha wadankaasi, Chatumongkol Sonakul, oo u mahad-celiyay mas’uuliyiinta Soomaaliya gaar ahaan Puntland oo gacan ka geystay celinta xubnahan ayaa sheegay in ay ku raad-joogan laba rag ah.

Shaqsiyaadkaasi oo midkood uu ku tibaaxay ganacsade Soomaali ah balse uusan magac-dhabin iyo ruux kale oo reer Thailand ayuu afka ku balaariyey in ay shaqaalaysiin raggan kadibna ay balanta uga baxeen.

Sidda laga soo xigtay Sonakul, dhibaneyaasha ayaa nan helin wax gunnooyin ah muddo shan bilood ah, waxaana u dheer cunno ku filan oo aysan helin, isaga oo xaaladooda ku sifeeyay markii hore "adoonsasho".

Mr Sonakul oo muwaadiniinta dalkaasi uga digay in ay ku kad-sooman shaqaaleysiinta meel ka baxsan dalkaasi ayaa ugu goodiyey shaqsiyaadka uu farta ku fiiqay in ay cadaaladda soo taagi doonan.

"Baaritaanka ayaa socda. Kadibna waxaan caddeynayaa in ay naga go’an tahay in aan soo taagto cadaaladda," ayuu yiri Sonakul, oo war-fidiyeenka la hadlay kadib qaabildaada kalluumeysatada ku gurya noqday.

Dowladda Puntland oo horey u beenisay in xeebaha iyo degaanada maamulkan ajaaniibta lagu adoon-sado ayaa wacad ku martay in ay go’an tahay la dagaalanka burcad-badeeda iyo ragga ku lug-yeesha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM