The Article: Doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 waa tamashleyn

Image

LONDON, UK – Wargeyska The Article oo warbixin ka qoray hiigsiga qaranka ee sanadka 2020-21 ayaa wuxuu ciwaan kaga dhigay faaladiisa "doorashooyinka Soomaaliya ee hubanti ahaan aan dhici karin".

Jaraa'idka ayaa ku qeexay codeynta sanadka mid "tamashleyn ah". Wuxuu hoosta ka xariiqay in ay noqon doonto markii ugu horeysay oo dalka ay ka qabsoonto cod-bixin qof iyo cod ah, 50-sano kadib.

Dadweynaha Soomaaliya ayuu tibaaxay in ay aakhiritaankii fursad u helayaan in ay soo doortaan wakiiladooda. Ama ugu yaraan, taas waxay noqon doontaa "mid kaliya lagu fekeray," sida ku cad qormada.

Joornaalka oo qiray in ay jiraan caqabado kala duwan oo ku geedaaman doorashadaas ayaa tusaale ahaan u soo qaatay; amniga, khatarta Al-Shabaab, khilaafka sharciyada iyo dhaqaalaha.

Xeerarka doorashooyinka iyo xisbiyadda ee gudbay waxaa su'aal ka keenay dhinacyada qaar. Si lamid ah, dastuurka oo wali qabyo ah, wuxuu kamid yahay arimaha cunaha qaban kara yoolka 2020-21.

"Maadaama ay haatan hooseyso dimuqraadiyada Soomaaliya; fursadda ay ku dhici karto doorashooyin guud dhamaadka 2020 waa mid qiyaastii eber ah," ayaa lagu yiri warbixinta oo la daabacay Talaadadii.

Machadka Heritage oo xoojiyey dooda ah in ay dhici karin doorashooyinka ayaa cuskaday; dhaqaalo yari, sharciyadii loo baahnaa oo jirin, amniga oo caqabada ugu weyn ah; dowladda dhexe iyo maamulada oo kala aragti duwanaan weyn ay ka jirto iyo xal aan wali la gaarin.

Ugu dambeyntii, wargeyska oo doorashadda Soomaaliya ee sanadka dambe ku sifeeyay "tan ugu adag" ee qaarada Afrika ka dhaceysa ayaa cuskaday "geedi u socodka siyaasadda oo aanan heegan u ahayn hadafka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM