Tirada Bangiyada diiwaangashan ee Soomaaliya oo sii kordhaysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay inay sii kordhayaan tirada Bangiyada Ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, iyadoo ay hadda ay kusoo biireen shan Bangi oo la siiyay ruqsado [Licenses].

Qoraal lasoo dhigayy barta Twitter-ka Bangiga dhexe ayaa lagu sheegay in Talaadadii lasoo dhaafay ruqsado la siiyay Daryeelka SomBank, MyBank Limited, Bangiga Agro Africa iyo Bankiga Amana.

Shan bangi oo cusub ayaa la siiyay ruqsad si ay uga shaqeeyaan Soomaaliya, Bankiga Dhexe ayaa sheegay in uu ku daray toban bangi oo ka mid ah bangiyada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

"Tirada bangiyada ganacsiga ee diiwaangashan ayaa sii kordhaya. 5 bangi oo cusub ayaa kusoo biiray bangiyada gaarka loo leeyahay ee hadda jira," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Bangiga Dhexe.

Tirada guud ee Bangiyada dalka hadda ka howlgala waxay gaareen 10, shan horey u jirtay iyo shan cusub oo hadda la diiwaangeliyay.

Sida laga soo xigtay Bangiga Dhexe, waxaa sidoo kale jira 12 shirkado xawaalad oo shati ah oo loo yaqaan 'Hawalas' oo ka shaqeeya dalka.

Shuruudaha Bangiyada gudaha looga baahan yahay in la diiwaangeliyo waxaa kamid ah waa inay lahaadaan raasumaal [capital] aan ka yarayn $5 milyan oo dollar si ay u noqdaan kuwa sharciyeysan.

Madaxda Villa Somalia ayaa lagu wadaa inay dhawaan ku dhawaaqaan magacaabida gudoomiyaha cusub ee Bangiga Dhexe oo markii ugu horeysay loo dhiibayo nin ajnabi ah oo u dhashay Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM