Tirada dadka ay DF Soomaaliya ka baareyso Coronavirus oo korodhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay korodhay tiradda dadka illaa iyo haatan la hubinayo in ay qabaan cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

War-saxaafadeed maanta oo Khamiis ah kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in ay xanuunkaas ka baarayaan muwaadiniin tiradooda ay gaareyso afar.

Shaqsiyaadkaas oo dalka soo galay 10-kii illaa iyo 11-ka Maaj ee sanadkan 2020 laguna hakiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa lagu karan-tiilayaa goob gaar ah.

Caadiyan, muddo xili-huuriska caabuqa waxay ku suntan tahay 14 maalmood maadaama muddo todobaad ah aan laga dareemi karin shaqsiga astamaaha xanuunka dilaaga ah.

"Wasaaraddu waxay beenineysaa wararka lagu faafinayo baraha bulshadda ee la xiriira in cudurka uu soo galay waddanka," ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay GO.

Wallow aysan cid gaar ah magacaabin, wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqdey "digniin ay u direyso dadka caadeystay baahinta wararka been abuurka ah ee la xiriira cudurka".

Cudurka Coronavirus oo kasoo bilowday Wuhan oo dalweynaha Shiinaha ka tirsan ayaa waxaa laga xaqiijiyey in ka badan 100 dal, iyaddoo kiisaska guud ahaan caalamka ay gaarayaan 180-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM