Tiradda Xujeyda Soomaaliya ee geeriyootay sanadkan oo la shaaciyey

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in afar Xujey Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Xajka sanadkan.

Alle ha u naxariistee, marxuumiinta ayaa saddex kamid ah waxay ahaayeen dumar, halka midka kale uu ahaa rag. Wali lama soo bandhigin magacyadooda.

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqiifka oo xaqiijiyey dhimashadda ayaa wuxuu tacsi tiiraanyo leh uu u diray ehelada dadkan, isaga oo u rajeeyay naxariista ALLE.

Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in ay hubin doonan sheegashooyin ku aadan in tiradda ay intaan ka badan tahay.

Sidda ku xusan warbixinta Wasaaradda, Soomaaliya ayaa Xajka sanadkan 2019 waxay ku lahayd qoondo gaareysa 11,500 oo Xaaji ah, kuwaasi oo acmaasha gutay.

Warbixinta oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa si lamid ah waxaa lagu xusay in 80% ay Xujeyda ay ka dageen magaaladda Madiina, halka 20% kalena laga dejiyay Jeddah.

"Inta badan Xujeyda sanadkan oo helay degaan wanaagsan waxay aad ugu dhowaayeen Xaramka, marka laga reebo kuwa 200 ama 400 KM u jira," ayuu yiri wasiirka.

Marka laga soo tago sheegashada Wasiirka, haddana muuqaalo baraha bulshadda lagu baahiyey ayaa waxaa kasoo muuqday Xujey ka cabaneysa dhanka degaanka.

Xujeyda oo sanadkan si toos ah loo geeyay Sacuudiga ayaa dalka ka qaatey dal ku galka, halka sanadihii ka horeeyay ay wadamada deriska ka qaadan jireen.

"Intan waxay ahaayeen arrimo aan soo kordhinay sanadkan, waxaan rajeynayaa in sanadka soo aadan aan horumar intaan ka badan sameyno," ayuu hadalkiisa kusoo xiray wasiir Nuur.

GROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM