Tiradda Xujeyda Soomaaliya ee geeriyootay sanadkan oo la shaaciyey

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in afar Xujey Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Xajka sanadkan.

Alle ha u naxariistee, marxuumiinta ayaa saddex kamid ah waxay ahaayeen dumar, halka midka kale uu ahaa rag. Wali lama soo bandhigin magacyadooda.

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqiifka oo xaqiijiyey dhimashadda ayaa wuxuu tacsi tiiraanyo leh uu u diray ehelada dadkan, isaga oo u rajeeyay naxariista ALLE.

Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in ay hubin doonan sheegashooyin ku aadan in tiradda ay intaan ka badan tahay.

Sidda ku xusan warbixinta Wasaaradda, Soomaaliya ayaa Xajka sanadkan 2019 waxay ku lahayd qoondo gaareysa 11,500 oo Xaaji ah, kuwaasi oo acmaasha gutay.

Warbixinta oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa si lamid ah waxaa lagu xusay in 80% ay Xujeyda ay ka dageen magaaladda Madiina, halka 20% kalena laga dejiyay Jeddah.

"Inta badan Xujeyda sanadkan oo helay degaan wanaagsan waxay aad ugu dhowaayeen Xaramka, marka laga reebo kuwa 200 ama 400 KM u jira," ayuu yiri wasiirka.

Marka laga soo tago sheegashada Wasiirka, haddana muuqaalo baraha bulshadda lagu baahiyey ayaa waxaa kasoo muuqday Xujey ka cabaneysa dhanka degaanka.

Xujeyda oo sanadkan si toos ah loo geeyay Sacuudiga ayaa dalka ka qaatey dal ku galka, halka sanadihii ka horeeyay ay wadamada deriska ka qaadan jireen.

"Intan waxay ahaayeen arrimo aan soo kordhinay sanadkan, waxaan rajeynayaa in sanadka soo aadan aan horumar intaan ka badan sameyno," ayuu hadalkiisa kusoo xiray wasiir Nuur.

GROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM