Toogasho ka dhacay Muqdisho iyo Fahfaahino laga helayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan fal toogasho ah oo ka dhacay kadib Saaladii Maqrib ee Talaada degmadda Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Dilka oo loo geystay Nabadoon caan ah oo ka dhacay xaafadda Suuq Yaraha ee degmadda Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dambeeyay Dabley ku hubeysan Bastooladda, sida ay Goobjoogayaal u sheegeen GO.

Kooxihii falkaan khaajirinta ah geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana sida caadiga ah yimid meesha ay wax ka dhaceen laamaha amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa usheegay Garowe Online, in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdi Culusow, islamarkaana la beegsaday isagoo kasoo baxayey Masaajidka.

Maamulka degmadda oo ka hadlay falkaan waxay sheegeen inay ku daba jiraan Ragii falkaan ka dambeeyay, islamarkaana ay hadda socdaan howlgalo lagu ugaarsanayo gacan ku dhiig-layaasha.

Ma jirto illaa iyo haatan cid dhabarka saaratay masuuliyadda dilkaan, balse, falalka noocaan ah waxaa looga bartay AlShabaab, kuwaasoo mudooyinkii dambe an wax dil ah ka fulin caasimada Soomaaliya.

Odayga la khaarijiyay ma cadda sababta loo beegsaday, balse, waxa uu kamid ahaa Nabadoonada ugu caansan ee xaafadda Suuq Yaraha ee degmadda Xamar Jabab ee Magaalada Muqdisho.

Falalka madax-jabiska ah maalmihii udambeeyay way ku yaraayeen Muqdisho tan iyo markii laga soo baxay Bisha Ramadaan, markaasoo ku dhawaad 50 qof oo Askar, Shacab iyo masuuliyiin ah lagu naf-gooyay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM