Toogasho ka dhacay Muqdisho iyo Fahfaahino laga helayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan fal toogasho ah oo ka dhacay kadib Saaladii Maqrib ee Talaada degmadda Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Dilka oo loo geystay Nabadoon caan ah oo ka dhacay xaafadda Suuq Yaraha ee degmadda Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dambeeyay Dabley ku hubeysan Bastooladda, sida ay Goobjoogayaal u sheegeen GO.

Kooxihii falkaan khaajirinta ah geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana sida caadiga ah yimid meesha ay wax ka dhaceen laamaha amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa usheegay Garowe Online, in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdi Culusow, islamarkaana la beegsaday isagoo kasoo baxayey Masaajidka.

Maamulka degmadda oo ka hadlay falkaan waxay sheegeen inay ku daba jiraan Ragii falkaan ka dambeeyay, islamarkaana ay hadda socdaan howlgalo lagu ugaarsanayo gacan ku dhiig-layaasha.

Ma jirto illaa iyo haatan cid dhabarka saaratay masuuliyadda dilkaan, balse, falalka noocaan ah waxaa looga bartay AlShabaab, kuwaasoo mudooyinkii dambe an wax dil ah ka fulin caasimada Soomaaliya.

Odayga la khaarijiyay ma cadda sababta loo beegsaday, balse, waxa uu kamid ahaa Nabadoonada ugu caansan ee xaafadda Suuq Yaraha ee degmadda Xamar Jabab ee Magaalada Muqdisho.

Falalka madax-jabiska ah maalmihii udambeeyay way ku yaraayeen Muqdisho tan iyo markii laga soo baxay Bisha Ramadaan, markaasoo ku dhawaad 50 qof oo Askar, Shacab iyo masuuliyiin ah lagu naf-gooyay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM