TOOS: Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo ayaa sheegaya inay billaabatey cod-bixinta doorashada Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed, iyadoo ay hoolka doorashada ay ku sugan yihiin shanta Musharax ee u tartamaya xilka iyo Xildhibaanada wax dooranaya.

- Musharixiinta tartamaya -

1. Aadan Maxamed Nuur (Saransoor)
2. Huseen Cismaan Huseen [Calool-Kuus], Madaxii hore ee NISA.
3. Ibraahim Maclin Nuunow
4. Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen, Wasiirkii hore ee Biyaha & Tamarta.
5. Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Waxay ka dhacaysaa doorashada gudaha aqalka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed, iyadoo amaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay maanta, waxaana la geliyay xaalad bandow ah.

Doorashadan ayaa saddex jeer dib loo dhigay, iyadoo ay jiraan eedeymo loo jeedinayo Dowladda Federaalka oo ah inay faragelin toos ah ku hayso hanaanka doorashada, iyadoo taageeraysa labo musharax.

Waxaa ka dhacay Baydhabo todobaadkii tagey dibadbaxyo rabashado wata kadib markii ay ciidamada Itoobiya xireen Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa musharaxiinta, kaasoo hadda la dhigay xabsi ku yaalla Muqdisho.

HALKAN TOOS UGA DAAWO DOORASHADA KG:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM