Turkiga oo markab kale usoo diraya xeebaha Soomaaliya

Image
Qorshahaan ayaa qayb ka ah dedaalada xoojinta joogitaanka Turkiga ee Qaaradda Africa.

ANKARA, Turkey - Dowladda Turkiga ayaa qorshaynaysa inay bisha 9aad ee sanadkaan ay Markabka cilmi baarista & sahminta sameeya Oruc Reis, usoo dirto baloogyada saliidda ee ku yaalla biyaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay warbaahinta Bloomberg.

Qorshahaan oo qayb ka ah dedaalada xoojinta joogitaanka Turkiga ee Qaaradda Africa ayaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, Maxamed Xaashi sheegay inuu yahay mid lagu sahmin doono Saliidda kujirta xeebaha Soomaaliya.

Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa Turkiga la gashay heshiis ciidamada badda dalkaasi ku ilaalinayaan ammaanka xeebaha Soomaaliya xilli uu sii xoogaysanayo damaca Itoobiya ku doonayso inay qayb ka hesho xeebaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM