Turkiga oo shaaciyay kaalintiisa wadahadalada DF iyo Somaliland
MUQDISHO, Somalia - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu booqday safaarada Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay Dajirha xukuumada Ankara.
Axmed Ciise Cawad, wasiirka xiriirka caalamka ee xukuumada Federaalka, oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaciyay inuu danjire Mehmet Yilmaz kala hadlay xoojinta cilaaqaadka labada dowladood.
"Waxaan uga mahad-celiyay danjiraha iyo safaarada taageerooda aan joogsi lahayn ee shacabka iyo dowlada Soomaaliya," ayuu wasiirka kusii daray hadalkiisa, isaga oo muujinaya sida Turkiga muhiim uyahay dalka.
Illo madax banaan oo ku dhow kulanka ay yeesheen labada mas'uul ayaa u sheegay warsidaha GO in qodobada laysla soo qaaday ay qayb ka tahay dib-u-bilaabida wadahadalada Somaliland iyo dowlada dhexe oo hakad ku jira haatan.
Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida wayn u daneenaya wadaxaajoodyada, isaga oo dhowaan umagacaabay wakiil gaar ah, kaasi oo ah Oglan Bekar, safiirkii hore ee ufadhiya wadanka, balse, lagu bedalay Yilmaz.
Mr Bekar ayaa lagu wadaa inuu dhowaan yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho si uu qayb kaga noqdo dar-dargelinta wadahadalada, taasi oo labada dhinac ay shaaciyeen inay diyaar uyihiin.
Yilmaz ayaa cod dheer ku qeexay in dowladiisa aysan dhinacna u-eexan doonin marka laysku yimaado miiska wadahadalka, isaga oo ku nuux-nuux saday inay kaliya ciyaarayaan kaalin dhex-dhaxaadin ah.
"Doorka Turkiga ee wadxaajoodka waa walaaltinimo," ayuu Danjire Yilmaz u sheegay mid kamid ah idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho, isaga oo kalsooni xoogan ka muujiyay inay noqdaan kuwa miro dhal ah.
Intii uu socday kulankii wasiir Cawad iyo danjiraha ayaa arrimaha layskula soo qaaday waxaa qayb ka ah warbixin uu safiirku ka siiyay booqashadii uu dhowaan ku tegay magaalada Hargeysa iyo natiijada kasoo baxday.
Xukuumada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay Somaliland ay sheegatay inay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale waxay ku adkeysaneysay inay wali qayb ka tahay, taasoo keentay inay Hargeysa ku hungowdo helitaanka aqoonsi caalami ah.
GAROWE ONLINE