Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Image
Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

ANKARA, Turkey — Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa xaqiijiyey in ay goob kamid ah Badda Soomaaliya, ka sameynayaan baaris Shidaal ayna qoditaanka bilaabayaan sannadka 2025-ka.

Bayraktar oo la hadlayay Tvga gaarka loo leeyahay ee NTV ayaa sheegay in talaabadan ay fasax uga haystaan dawladda Faderaalka Soomaaliya kadib heshiiskii ay kala saxiixdeen bishii lasoo dhaafay.

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

Heshiiskaas ayaa waxaanan laga haynin tafaasiil badan mana jirto cid ka bixisay fahfaahin dheeraad ah dhanka Soomaaliya, marka laga reebo sheegashada Turkiga.

Sikastaba ha ahaatee, dhawaawa Turkiga ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli muddooyinkii ugu dambeeyay uu si weyn hoos ugu dhacay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka kaas oo ka caroodey isku soo dhowaanshiyaha Muqdisho iyo Ankara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM