Turkiga oo soo sagootiyay markab kusoo wajahan Soomaaliya

Image
Markabkan sahminta (Seismic) ayaa maanta kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Abdirizak Omar Mohamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka Oruç Reis kaas oo ku soo jeeda Soomaaliya.

Markabkan sahminta (Seismic) ayaa maanta kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, wuxuuna ku degi doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhammaadka bisha Oktoobar.Safarka waxaa la filayaa inuu qaato qiyaastii 19 maalmood.

Markii uu yimaado Soomaaliya, Oruç Reis wuxuu fulin doonaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 square, hawlgalkuna wuxuu socon doonaa qiyaastii toddoba bilood.

Inta lagu jiro waqtigan, markabku wuxuu ururin doonaa xog ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah. Xogta la ururiyay waxa loo diri doonaa Ankara si loo falanqeeyo, taasoo hagi doonta hawlaha qodista ee mustaqbalka.

Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir waa hanti muhiim ah oo ka mid ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye. Hawlgalkan, Türkiye waxay ballaarinaysaa khariiradeeda sahminta, waxayna furaysaa bog cusub oo xiriirka ka dhexeeya iyada iyo xulafadeeda dhow ee Soomaaliya, iyada oo si wadajir ah loo sahminayo keydka gaaska dabiiciga ah iyo saliidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM