Turkiga oo Soomaaliya ka dhisaya saldhig laga tijaabiyo gantaaladaha

Image
Turkiga ayaa in muddo ah ku taamayay in uu ka mid noqdo tartanka hawada sare.

ANKARA, Türkey —— Warbixin ay soo saartay Bloomberg ayaa lagu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya kala xaajoonayo sidii loo samayn lahaa goob lagu tijaabiyo gantaalada hawada sare loo diro.

Barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ah ee Ankara (caasimada Turkiga) waxa uu u baahan yahay tijaabo fog, halka Soomaaliya oo ku taallo cidhifka bari ee dhul weynaha Afrika ay ku habboon in laga rido gantaalaha dhinaca badweynta Hindiya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dhow dhulbaraha, taas oo ka dhigaysa goob ku habboon in hawada looga duulo, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo. Tijaabada u dhow dhulbaraha waxa kale oo ay gacan ka gaysan kartaa kor u qaadida baaxada iyo hufnaanta gantaalada hawada.

Turkiga ayaa in muddo ah ku taamayay in uu ka mid noqdo tartanka hawada sare ee dhaqan ahaan ay u badan yihiin quwadaha caalamka, waxaana muddo sanado ah soo socday qorshaha lagu ridayo gantaalada.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Axmed Kooshin, ayaa sheegay inaysan waxba kala socon heshiis noocaas oo kale ah oo ay la galeen Turkiga. 

“Turkiga ayaa ka shaqaynayay kordhinta tirada gantaallada ay gudaha ku sameeyaan ee Tayfun oo gaaraya ilaa 560 kiiloomitir (350 mayl),” ayuu yiri madaxweyne Recep Tayyip Erdogan 2022-kii.

Sidoo kale, goobta la qorshanayo in gudaha Soomaaliya uu Turkiga ka gano gantaalada waxay meesha ka saaraysaa khatarta qashinka ku dhacaya meelaha la deggan yahay iyo dalalka kale, sidda ay sheegeen ilo-wareedyadu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM