Turkiga oo Soomaaliya ka hirgelinata deked ku kaceysa $70 milyan

Image
Marsadan oo inta badan martigelin doonto ganacsiyada ayaa qiyaastii 435 mayl waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Magaalo xeebeedka Hobyo ee Soomaaliya waxaa bisha December ka bilaaban doona dhismaha deked cusub taasoo la sheegay in ay diyaar ku noqon doonto muddo saddex sano ah gudaheeda ah.

Metag Holding, oo ah shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo fadhigeedu yahay magaalada Ankara, ayaa la shaqayn doonta Hobyo Investment Co si loo hirgeliyo dekedda.

Marsadan oo inta badan martigelin doonto ganacsiyada ayaa qiyaastii 435 mayl waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho, sida uu sheegay wakiilka shirkadda Mohammed Ali Warsame.

Shirkaduhu waxay u qoondeeyeen 70 milyan oo doolar wejiga koowaad ee mashruuca. Waa dhaqaale la sheegay in badankeeda ay bixinayaa ganacsatada degaanka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta u dhalatay gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM