Tuuryare "Dhalinyarada qurbaha ka timi waa kuwa ugu badan isqarxinaya"

Image

19 December, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka Nabad sugidda Somalia Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ka hadlay dhalinyarada ka mid noqonaya ururka Al-Shabaab ee weerarada ka gaysanaya Somalia kuwaasi oo ku eedeeyay inay ugu badanyihiin qurbo joogta.

Xilli uu ka hadlay shirka dhalinyarada Somaliyeed ee Muqdishu ka furmay ayuu sheegay in ururka Al-Shabaab awood ahaa daciifeen, balse loo baahanyahay in dhalinta qurbaha laga horjoogsado fikradaha qaldan.

Tuuryare, ayaa sidoo kale xusay inay jiraan dad qurbaha ku sugan oo lacago u soo dira Shabaab, wuxuuna dhalinta shirka joogtay faray inay sameyaan wacyi galin ku loo marinayo baraha bulshada si aysan uga qayb qaadaan dagaalka kooxda ee Somalia.

Hadalka taliyaha ayaa yimi xilli ay jiraan dhalinyaro badan oo qayb ka ahaa weeraro ismiidamin ka dhacay Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM