Tuuryare "Dhalinyarada qurbaha ka timi waa kuwa ugu badan isqarxinaya"

Image

19 December, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka Nabad sugidda Somalia Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ka hadlay dhalinyarada ka mid noqonaya ururka Al-Shabaab ee weerarada ka gaysanaya Somalia kuwaasi oo ku eedeeyay inay ugu badanyihiin qurbo joogta.

Xilli uu ka hadlay shirka dhalinyarada Somaliyeed ee Muqdishu ka furmay ayuu sheegay in ururka Al-Shabaab awood ahaa daciifeen, balse loo baahanyahay in dhalinta qurbaha laga horjoogsado fikradaha qaldan.

Tuuryare, ayaa sidoo kale xusay inay jiraan dad qurbaha ku sugan oo lacago u soo dira Shabaab, wuxuuna dhalinta shirka joogtay faray inay sameyaan wacyi galin ku loo marinayo baraha bulshada si aysan uga qayb qaadaan dagaalka kooxda ee Somalia.

Hadalka taliyaha ayaa yimi xilli ay jiraan dhalinyaro badan oo qayb ka ahaa weeraro ismiidamin ka dhacay Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM