Uganda Airlines oo kusoo biirtay tartanka suuqa hawada ee Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Diyaaradda ee wadanka Uganda oo sanado kadib dib ugu soo laabatay hawada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah u bilowday duulimaadyadda.

Tani oo xoojineysa tartanka duulimaadyadda caalamiga ah ee dalka ayaa waxay ka dambeysay markii is-afgarad uu dhex-maray mas'uuliyiinta Gadiidka Hawada ee labadda dowladood.

Uganda Airlines ayaa waxay haatan la loolami doontaa diyaaradaha Turkish Airlines, Ethiopian Airlines, Qatar Airlines, Kenya Airways iyo kuwa kale oo haatan ka howlgala waddanka.

Munaasabadda daah-furka duulimaadyadda Uganda Airlines oo ka qabsoontay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ka qeybgalay xubno dowladeed iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Inkasta oo mas'uuliyiinta ay ku tilmaameen tartanka cusub ee duulimaadyada caalamiga ah ee dalka mid kobac dhaqaale horseedaysa, haddana ma jiro isbedel ku yimid sicirka la siiyo Tikidka.

Intaasi waxaa wehlisa walaac ay muujinayeen shirkadaha diyaaradaha wadaniga ah, kaasi oo ah qaar kamid ah diyaaradaha caalamiga ay ka howlgalayaan gudaha dalka.

Maxamed Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha caalamiga qaarkood ay ku heshiinayaa in ay ka howlgalaan gobolada dalka.

"Balse laba magaalo dhexdeeda oo gudaha waddanka ah rakaab uma kala qaadi karaan," ayuu yiri Oomaar, oo wareysi siiyey dhowaan laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa waqti xaadirkan la sheegayaa in uu kamid yahay kuwa amniga wanaagsan, wallow ay jiraan dul-duleelo wax ka qabasho u baahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM