​Uganda "Ciidamadeenu waa sii joogayaan Somalia"

Image

MUQDISHU- Taliska ciidamada Uganda ee Somalia ayaa ka hadlay warar dhawaanahay la isla dhexmaray oo sheegaya in dalkaasi oo la baxayo ciidamada ku sugan ciidda Somalia kadib markii la dhimay lacagtii la siin jiray AMISOM.

Afhayeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Somalia Padhi Akunda, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in arrintaasi waxba kama jiraan tahay islamarkaan ay sii jogayaan inta laga sifaynayo kooxaha nabad diidka dowladda Federalkana isku filnaansho gaari doonto.

Wuxuu xusay inay ciidamadoodu qayb kayihiim AMISOM islamarkaana ku gowracanyihiin xuquuqda ay la siiyo kuwa kale ee lamidka ah isagoo meesha ka saaray inay ujeedku ahaa mushahar balse doonayeen Somalia xasilinteeda.

"Hadalkaasi ma ahan runtii mid ku fadhiya xaqiiqada, anaga waan sii joogaynaa Somalia inta howlgalkeenu ka dhammaanayo, mana jirto sabab aan hadda u baxno, waad ogtihiin inaan dagaal kula jirno kooxda Al Shabaab,"Ayuu yiri Padhi Akunda.

Dhawaan ayay ahayd markii Midowga Yurub sheegay inuu hoos u dhigay lacagtii uu siin jiray AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM