​Uganda "Ciidamadeenu waa sii joogayaan Somalia"

Image

MUQDISHU- Taliska ciidamada Uganda ee Somalia ayaa ka hadlay warar dhawaanahay la isla dhexmaray oo sheegaya in dalkaasi oo la baxayo ciidamada ku sugan ciidda Somalia kadib markii la dhimay lacagtii la siin jiray AMISOM.

Afhayeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Somalia Padhi Akunda, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in arrintaasi waxba kama jiraan tahay islamarkaan ay sii jogayaan inta laga sifaynayo kooxaha nabad diidka dowladda Federalkana isku filnaansho gaari doonto.

Wuxuu xusay inay ciidamadoodu qayb kayihiim AMISOM islamarkaana ku gowracanyihiin xuquuqda ay la siiyo kuwa kale ee lamidka ah isagoo meesha ka saaray inay ujeedku ahaa mushahar balse doonayeen Somalia xasilinteeda.

"Hadalkaasi ma ahan runtii mid ku fadhiya xaqiiqada, anaga waan sii joogaynaa Somalia inta howlgalkeenu ka dhammaanayo, mana jirto sabab aan hadda u baxno, waad ogtihiin inaan dagaal kula jirno kooxda Al Shabaab,"Ayuu yiri Padhi Akunda.

Dhawaan ayay ahayd markii Midowga Yurub sheegay inuu hoos u dhigay lacagtii uu siin jiray AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM