Uganda oo $100 billion magdhow ah ka dalbatay Mareykanka

Image
Lacagtan ayay sheegtay in ay magdhow u tahay askarta looga dilay gudaha Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, Jeneral Muhoozi Kainerugaba, ayaa dalbaday 100 bilyan oo Doollar oo magdhow ah oo uu Maraykanka ka bixiyo khasaaraha askarta dalkiisa ka soo gaaray Somalia. Codsigan ayuu ku sameeyay qoraalo taxane ah oo lagu soo qoray baraha bulshada ee X.

"$100 bilyan waa inta ugu yar ee aan ka rabo USA. Waxayna bixin doonaan lacag kasta," ayuu Muhoozi, oo sidoo kale ah wiilka uu dhalay madaxweyne Yoweri Museveni, ku yiri hal qoraal. 

“Mareykanku waxa uu ugu yaraan 100 bilyan oo dollar ku leh ciidankeena joogga Soomaaliya. Waxaan sameynay wax badan oo ka wanaagsan dadka Ukraine. Waxay u muuqataa in takhasuskooda ay ka socdaan Ruushka. Waxaan sugeynaa lacag bixinta," ayuu xusay.

Uganda ayaa ahayd waddankii ugu horreeyay ee ka socda Bariga Afrika oo ciidamo u soo daad-gureeyo Soomaaliya sannadkii 2007-dii, iyagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Ciidamadan ayaa door muhiim ah ka qaatay taageeridda dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jirta maleyshiyadda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Ciidamada Uganda, ayaa waxaa soo gaaray khasaarooyin kala duwan, waxaana ay qeyb ka qaateen xasilinta goobihii ay horey u maamuli jireen mintidiinta, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Dalabka Muhoozi ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Uganda iyo Maraykanka, gaar ahaan ka dib markii Uganda laga saaray Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika (AGOA), kaas oo siisay waddanka cashuur la’aan inuu ku galo suuqyada Maraykanka in ka badan 1,800 oo badeecooyin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 09:05AM

Wafdi taabacsan Dowladda Soomaaliya oo laga soo celiyay Garbahaarey

Waa markii labaad oo talaabadan oo kale ay ku kacaan Ciidamada Dowladda Itoobiya.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 08:56AM