UN-ka oo ka digay "musiibo ay qarka u saaran tahay Soomaaliya"

Image
Qaramada Midoobay ayaa hadallo is daba-joog ah kasoo saartay abaarta ka jirta Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Qoraal uu soo saaray Adam Abdelmoula oo ah xiriiraya hawlaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacaan gaajo iyo macaluul baahsan oo gallaafata nolosha boqollaal kun oo qof.

Isaga oo sheegay in xaalada abaarta ee Soomaaliya ay ka sii darayso marba marka ka dambeeya.

Sarkaalkaan ka tirsan UN-ka ayaa sheegay in afar xilli roobaad oo aanay da’in ay sababeen in dhulka uu qalalay, Ayaxa daaqa baabi’iyay iyo colaadaha aan dhammaadka lahayd ay dhabar jab ku noqdeen Xoolo dhaqatada iyo Beeraleyda.

Adam, waxa uu intaas ku daray in xaaladda muuqata ay isku baddeli karto Macluul galaafata nolosha malaayiin ruux oo u badan Carruur, Dadka da’da ah ama kuwa ay jilcisay abaarta sida uu hadalka u dhigay xiriiriyaha gargaarka bani aadamnimo ee Qaramada Midoobay.

“Waxaa la joogaa waqtigii Dunida inteeda kale fahmi lahayd Abaarta Adag ee Soomaaliya ka jirta, xaaladda muuqata waxa ay isku baddeli kartaa Abaartu Macluul ay ku naf waayaan Dad badan oo haatan nool inkasta oo wadajir looga hortagi karo” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Xiriiriyaha Gargaarka Bani aadamnimo ee Qaramada Midoobay oo kormeyr iyo kulamo kala duwan sameeyay ayaa sheegay in dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine uu sabab u noqday in gurmadka degdega ahaa uu joogsaday.

Ku dhawaad hal milyan oo ruux ayaa guryahooda ka barakacay iyaga oo degan goobo aanay hoy u noqon Karin sida xeryaha barakacayaasha oo ka kooban dhismo ahaan agab aanay ku habbooneen in ay gabbaadsadaan.

Qaramada Midoobay ayaa hadallo is daba-joog ah kasoo saartay abaarta ka jirta Soomaaliya wallow aanay jirin gurmad degdeg ah oo muuqda oo ka yimid dhanka Hay’adaha kala duwan ee hoostaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM