UN-ka oo shaaciyay mashariic $30 million ku baxaysa oo laga fulinayo Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Qaramada Midoobey ayaa todobaadka soo socda billaabeysa barnaamij cusub oo loogu magac-darey peace-building fund [PBF], kaasoo lagu xoojinayo dedaallada nabad soo celinta Somalia.

Mashruucan PBF ayaa ku baxaya lacag dhan 30 milyan oo dollar, iyadoo la dejiyo qorshooyin loo dejiyay xasilinta Somalia, iyadoo xoogga la saarayo nabad-dhisidda, horumarinta qaranka iyo dib u heshiisiinta.

"Qorshahan wuxuu ka kooban yahay 9 mashruuc oo lagu qiimeeyay lacagta kuu baxaysa 30 milyan oo dollar, waxaana sanduuqa PBF uu diiradda saarayaa dedaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNSOM.

UNSOM - Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Somalia ayaa sheegtay in BPF uu yahay hindise uu xoghayaha guud ee UN-ka uu iclaamiyay 2009 kaasoo ujeedkiisu yahay sidii dalka looga gacan siin lahaa hanaanka dowlad-dhisidda, maadaama uu kasoo kabanayo dagaalladii Sokeeye ee billowday 1991.

Lacag gaareysa 14 milyan oo dollar ayay Qaramada Midoobey ku bixisay shan mashruuc oo cusub ee sanadkii lasoo dhaafey ee 2018 laga hirgeliyay dalka Somalia.

Dowladda Federaalka ayaa ka ka eriday Wakiilka UN-ka, Nickolas Haysom horanatii sanadkan kadib markii uu su'aallo ka waydiiyay 15 qof oo shacab ah oo booliska ay ku dileen Baydhabo December iyo xarigii Roobow.

Go'aankan ayaa xumeeyay xiriirka Villa Somalia iyo UN-ka, iyadoo shaqaalaha muhiimka ah ee UNSOM lagula taliyay inaysan Muqdisho tagin, oo Nairobi ku sugnaadaan kadib markii weerar hoobiye lagu qaadey xaruntooda gudaha Xalane, wax yar kahor inta aan Haysom lagu amrin inuu dalka isaga baxo.

UNSOM waxaa lagu aas-aasay qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu yahay 2102, soona baxay 3 Juun 2013, kadib qiimeyn lugu sameeyey taageerada QM ee ku aadden dhismaha Dowladda Federaalka ah ee Somalia

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM