Usaama Bin Laden oo Dhul Soomaaliyeed u guuri gaaray! Xog Sirdoon

Image

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka dalka Suudaan sidoo kalena soo noqday wasiiru dowlihii Difaaca ee dalka Suudaan, Al-Faatix Maxamed Axmed Al-curwa ayaa waraysi gooni ah siiyay barnaamijka Atheer oo lagu waraysto dadka saamaynta leh.

Curwa oo laga qaaday waraysi soconayay in ka badan shan saacadood oo xiriir ah wuxuu ka hadlay arimo ay kamid tahay ka bixinti dalka Suudaan hogaamiyihii ururka Al-Qaacida, Usaama Bin Laden.

''Madaxweyne Albashiir ayaa u yeeray oo toos ugu sheegay Bin Laden in uu Suudaan isaga tago laakiin anaga Sirdoon ahaan warbixinaha aan hayno waxay sheegayeen in uu labo meelood aadi doono Soomaali Galbeed(Ogaden) ama Afghanistan'' sidaas ayuu waraysiga ku yiri.

isaga oo sii hadlaya waxa uu sheegay in xiligaasi ay ogaayeen in taageerayaal uu leeyahay wadaadka mayalka Adag, Bin Laden ay ka hawlgalayeen Soomaali Galbeed taasi oo rumeynaysa sheegashadii beesha caalamka ee in horaantii sagaashameeyadii ay Soomaaliya yimaadeen xubno xagjirayaal ah.

Xiligi xukunka madaxweynihi hore ee Suudaan, Cumar Al-Bashiir ayaa hay'addaha Amaanka ee dalkiisu si wayn ugu milnaayeen hawlaha geeska Afrika iyaga oo wadahadalo aan miro dhalin isugu keenay xoogagii Koonfurta Soomaaliya ka hana-qaaday ee Maxkamadaha Islaamiga iyo dowladii kumeel gaarka ahayd.

Garowe Online

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM